Friday, December 29, 2023

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray qorshe hawleedka sanadka 2024-ka

 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa furay kulanka Wada-tashiga Qorshe Hawleedka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ee sanadka 2024, oo ay soo diyaariyeen Xafiiska Xoghayaha Guud ee Maamulka...
Share:

Thursday, December 28, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ambabaxay dalka Djibouti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Djibouti ee dalka Jamhuuriyadda Djibouti. Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa ah in la sii ambaqaado dadaalka wadahadallka u dhexeeya DFS iyo Somaliland iyo xalinta...
Share:

Wednesday, December 27, 2023

Madaxweyne Maxamuud iyo mucaaradka oo 5 arrin isku afgartay

 Kulankii labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka ku dheriga ah ayaa shalay ku qabsoomay magaalada Muqdisho. Kulankaan ayaa daba socda kulankii Khamiistii lasoo dhaafay dhex-maray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta kala ah Shariif Sheekh Axmed,...
Share:

Tuesday, December 26, 2023

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ka daah-furay Shir looga hadlaayo dardargalinta iyo dib u eegista Howlaha Hay’adda

 Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallim ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa uu  ka daah-furay shir looga hadlaayo dardargalinta shaqada iyo Dib u eegista Howlaha SoDMA kaas oo socon doono muddo Saddex cisho ah. U jeedka shirkaan...
Share:

Monday, December 25, 2023

Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Imaaraadka kaalmada deeqsinimada leh ee ay u fidiyeen dalkiisa

 Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay'adda SoDMA waxa uu ku qaabilay Safiirka Dowladda Iskutagga Imaaraatka Carabta danjire Axmed Jumca Al-rumeysi. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay...
Share:

Sunday, December 24, 2023

Xaalado adag oo xagga nolosha ah oo laga soo warinayo bulshada Degmada Ceelwaaq

 Degmada Ceelwaq ee Gobalka Gedo oo ka mid ah degmooyinka ay sida ba’an u saameeyeen daadadka xooggan ee ka dhashay El-nino, ayaa waxaa halkaas ka jirta xaalad adag oo dhanka nolasho ah, iyadoo wali gudaha xaafadaha degmadaas biyihii ku soo rogmaday ay fadhiyaan, iyadoo...
Share:

Saturday, December 23, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xaqiijinaya inay ka go’an tahay dhameystirka dastuurka iyo ka xoreynta dalka Al-shabaab

 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii sheegay inay ka go’an tahay dhameystirka dastuurka iyo sidii dalka looga xoreyn lahaa maleeshiyada Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa sheegay in dastuurka oo soo socday tan iyo 2012-ka uu yahay mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka...
Share:

Thursday, December 21, 2023

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo uu si weyn ugu bogaadiyay Soomaaliya. Kulanka Xamza iyo Geelle ayaa waxaa looga wada-hadlay...
Share:

Wednesday, December 20, 2023

Safaaradda Shiinaha ayaa ku wareejisay 1 milyan oo doolar si loogu caawiyo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen ee Soomaaliya

 Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo deeq lacageed ka guddoomay Safiirka Shiinaha Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa maanta  ku wareejisay dowladda Soomaaliya lacag dhan hal milyan oo dollarka Mareykanka ah oo gargaar bani’aadanimo ah, si wax loogu qabto dadka ay waxyeelada...
Share:

Tuesday, December 19, 2023

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Jabuuti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Jabuuti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage. Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey martigelinta dowladda Jabuuti ee shirkan iyo Machadka...
Share:

Monday, December 18, 2023

Ciidanka dowladda oo maanta si buuxda ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada Soomaaliya

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee madaxtooyada Soomaaliya oo 16 kii sano ee lasoo dhaafay ay gacanta ku hayeen ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka...
Share:

Sunday, December 17, 2023

Wajiga labaad ee dhimista ciidanka ATMIS oo maanta si rasmi ah u bilaabatay

 Wajiga 2-aad ee dhimista ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabatay, wuxuuna socon doonaa illaa 31 december ee sanadkan. Sida uu farayo Qaraarka golaha ammaanka ee tirsigiisu yahay 2710, howlgalka ATMIS ayaa la...
Share:

Saturday, December 16, 2023

Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday mashruuc cusub oo ku kacaayo in ka badan 17 Milyan oo dollar.

 Dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa Maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis dhaqaale oo gaaraya 19 Milyan oo doolarka Mareykanka ah oo loogu talo galay dib usoo kabsashada ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya. Heshiiskaan oo la sheegay inuu soo socday...
Share:

Thursday, December 14, 2023

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa ku heshiiyey in Soomaaliya laga dhaafo deymaha ku kacaya 4.5 bilyan oo doolar

 Bangiga adduunka iyo IMF oo Soomaaliya ka cafiyay $4.5 bilyan oo deyn ah Hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa ku heshiiyay in Soomaaliya laga cafiyo 4.5 bilyan oo dollar oo deyn lagu lahaa Arbacadii kaddib markii dalka Geeska Afrika uu soo gabagabeeyay...
Share:

Wednesday, December 13, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir-gudoomiyay shirka amniga Soomaaliya ee New York

 Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarunta QM ku guddoomiyay Shirka Amniga Soomaaliya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Talaado ah shir-gudoomiyay shirka amniga Soomaaliya ee ka socda xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada...
Share:

Tuesday, December 12, 2023

Madaxweyne xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray New York

 Xasan Sheekh oo ka degay New York iyo qorshaha safarkiisa oo la shaaciyey Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda...
Share:

Monday, December 11, 2023

SODMA oo shaacisay inay dhaqaale la’aan soo food saartay oo uga sii dareysa…

 Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa markii ugu horeysay shaacisay in dhaqaale la’aan hayso, xilli dalka ay ka taagan tahay xaalad ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-Niño. Agaasimaha xarunta howl-gallada gurmadka deg-degga ee hay’adda SODMA oo shir jaraa’id...
Share:

Sunday, December 10, 2023

Tirada dadka ku dhintay daadadka iyo fatahaada Wabiyada Jubba iyo Shabeelle oo korortay

 Guddoomiyaha hay'adda Maareeynta iyo Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay iney gaartay tirada dadka dhintay daadadka ka dhashay roobabka iyo fatahaada wabiyada Jubba iyo Shabeelle 120 ruux. Guddoomiyaha SODMA ayaa sidoo kale...
Share:

Saturday, December 9, 2023

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

 Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Jabuuti. Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimada Jabuuti kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan...
Share:

Thursday, December 7, 2023

Soomaaliya ayaa u mahadcelineysa dalalkii ku taageeray qaadista cunaqabateynta hubka

 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu mahadceliyey dalalkii taageeray go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kaga qaaday Soomaaliya cunaqabateynta hubka ee saarneyd muddo ka badan 32 sano. Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeediyay...
Share:

Wednesday, December 6, 2023

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

 Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka soo qeyb galay shirkii is bedelka cimilada ee Imaaraadka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib shirkii caalamiga ahaa...
Share:

Tuesday, December 5, 2023

Wasiirka Caafimadka oo magaalada Dubai uga qeyb galay shir ay soo qabanqaabisay WHO

 Wasiirka Wasaaradda Caafimaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta ka qaybgalay kulan gaar ah oo ku saabsanaa sidii loo abuuri lahaa xalka waara ee la xiriira isbadalka climilada. kulanka ayaa looga hadlay xoojinta nidaamka Caafimaadka...
Share:

Monday, December 4, 2023

Bangiga Adduunka ayaa rajaynaya in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordho 3.8% sanadka 2025-ka

 Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa muujiyay adkeysi marka loo eego warbixintii sideedaad ee dhaqaalaha Soomaaliya oo uu soo saaray Bangiga Adduunka inkastoo ay soo food saartay abaar daba dheeraatay 2020 ilaa 2023. Warbixintu waxa ay tilmaantay in abaarta oo si weyn u saamaysay wax-soo-saarka...
Share:

Sunday, December 3, 2023

Hay’adda SoDMA oo labo Doon kala wareegtay Hay’adda Zamzam foundation iyo Bankiga IBS

 Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa maanta 2- Doonyood waxa ay kala wareegtay Hey’adda Zamzam Foundation iyo Bankiga IBS. Guddoomiye ku xigeenka Hey’adda SoDMA Mudane Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta howlgalada gurmadka deg-degga...
Share:

Saturday, December 2, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbedelka cimilada ee lagu qabtay dalka Imaaraadka

 Madaxweyne Xasan Sheekh "Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida tooska ah u saameysay arrinta isbeddelka Cimilada" Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirka Caalamiga ah ee isbadalka Cimilada (COP28)...
Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog