GURIGA »
Soomaaliya
» Madaxwayne Xasan oo ka qayb galay Martiqaad uu sameeyay Joe Biden
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
oo New York uga qeyb galay Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada
Midoobey, ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Joe
Biden.
Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Maraykanka doorka ay ka
qaadanayso dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab oo caqabad ku ah nolosha iyo
horumarka dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka geeska Afrika.
MW Xasan wuxuu xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya
ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatanna ay wadaan dagaal naf-hurnimo
iyo geesinimo ah oo ka socda deegaannada ay ku hayeen Al-Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hore kulamo ula qaatay, Xoghayaha Difaaca
dalka Maraykanka Lloyd James Austin oo uu kula kulmay Wasaaradda Gaashaandhigga
iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Antony Blinken.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jira sidii Soomaaliya nabad
loogu fidin lahaa loogana takhalusi lahaa argagixisada iyo ururada argagixisada
halka dawladii ka horeeysey ay ka shaqeen jirtey burburinta dalka
Dowladda Mareykanka ayaa ilaa hadda bixisay in ka badan 800 oo milyan oo
dollar si wax looga qabto dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha baahsan ee
xilligaan ka taagan dalka taasoo wax-yeelleeyay ku dhawaad kala bar dadka
Soomaaliyeed.
Dhawaan, Jake Sullivan oo ah la taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, ayaa
sheegay in Aqalka Cad uu aad uga walaacsan yahay saadaasha aan wanaagsaneyn iyo
baaxadda abaaraha daran ee ka jirta Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bishii May sanadkaan go’aamiyay in
ilaa 500 oo askari oo Maraykan ah lagu soo daad gureeyo Soomaaliya, kuwaas oo
dhamaadkii sanadkii hore ku baxay amarka Madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump.
Waxaa xusid mudan in ku dhawaaqista dib u soo celinta askarta dalka
Mareykanka ay timid maalmo kadib markii doorashada looga adkaaday Maxamed
Cabdullahi Farmaajo oo saaxiib dhow la ahaa saaxiibada Ruushka ee Geeska Afrika
– Itoobiya iyo Eritrea.
Mareykanka ayaa xiriir qoto dheer la leh Dowaladda Federaalka Soomaaliya oo
safaarad ku leh Washington,D.C. taas oo dib loo furay kalkii hore ee MW Xasan
sheekh, halka Mareykanku uu isna safaarad ku leeyahay caasimadda Soomaaliya ee
Muqdisho.
0 Comments:
Post a Comment