GURIGA »
Soomaaliya
» Ra’iisul Wasaare: Dowladda waxaa ka go’an in la helo garsoor madax-banaan oo soo celisa kalsoonida Soomaalida
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka
Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre ayaa guddoomiyay shirka guddi hoosaadka
golaha wasiiradda ee tiirka Cadaalad iyo Garsoor madax-banan oo maanta looga
hadlay dardar-galinta howlaha hortabinta u leh hay’adaha Caddaaladda oo u dub
dhexaad u ah helitaanka garsoor madax-bannaan oo soo celiya kalsoonida
bulshada.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in xukumadda ka go’an
tahay dhab-u-yagleelidda garsoor madax bannaan oo xaqiijiya wadajirka bulshadda
Soomaaliyeed ,maadama cadaalad-darradu ay kamid tahay sababihii na dhaxalsiiyay
qaran burburka
Tiirka Cadaalad iyo Garsoor madax-banan oo ka mid ah 6da tiir ee
barnaamijka xukumadda Dan-qaran ayaa halbeegyadiisa ugu muhiimsan waxaa kamid
ah dib-u-eegista shuruucda iyo Siyaasadaha muhiimka u ah
helitaanka Garsoor hufan oo madax-bannaan ,Dhamaystirka Heshiiska
Siyaasadeed ee Hannaanka Garsoorka Hay’adaha Cadaaladda, Daadajinta Adeegyada
Garsoorka iyo dhiiri gelinta xallinta khilaafaadka ku salaysan Xeer Soomaaliga
iyo hir-gelinta maamul wanaag ku dhisan isla xsaabtan.
0 Comments:
Post a Comment