GURIGA »
Soomaaliya
» R/W Xamsa oo guddoomiyay shir looga hadlayay u diyaargarowga shirka Isbadalka Cimilada Adduunka ee COP28
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane
Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka wadatashiga Soomaaliya ee ku
saabsan u diyaargarowga shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka (COP 28), kaas oo
ay ka qeyb galeen 12 Wasaaradood oo qeyb ka ah qorshaha Qaran ee xakameynta iyo
wax ka qabashada saameynta isbeddelka Cimilada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee
qeybta ka ah, inay la yimaadaan aragti mideysan iyo xalka dhibaatooyinka ay
sababaan isbeddelka cimillada, kuwaasi oo lagu soo bandhigi-doono Shirka
Isbeddelka Cimilada Adduunka
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu saameyn
toos ah ku yeeshay nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo
isbeddel ballaaran laga dareemayey 30-kii sano ee la soo dhaafay, taasoo ay
sabab u tahay roobabkii oo yaraaday iyo wabiyadii dalka oo biyo yareeyay.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ayaa kormeerey xarunta
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo uu ka dhacayay shirka, wuxuuna
bogaadiyey horumarka la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Wasaaraddu muddadii
sanadka ahayd ee ay jirtay.
0 Comments:
Post a Comment