Monday, July 17, 2023

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa shaaca ka qaaday in 2.7 milyan oo qof ay ku barakaceen abaarta ka jirta Geeska Afrika

 

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP

Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in abaaraha ka jira Geeska Afrika ay sababeen barakaca ilaa 2.7 milyan oo qof.

Warbixin cusub oo ay soo saartay xaaladda gobolka, WFP waxay ku sheegtay in 1.7 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya, 516,000 oo qof oo ku nool Itoobiya iyo 466,000 oo qof oo ku nool Kenya ay barakiciyeen abaaro.

Warbixinta WFP waxa kale oo ay daaha ka qaaday in boqollaal kun oo qaxooti ah oo gaadhay goobaha ay abaaruhu saameeyeen ee saddexda waddan ay sii kordhinayso cunto yarida gobolka.

Warbixintu waxa ay tidhi: “Gobolka Geeska Afrika waxa soo maray abaaro ba’an oo xagga cimilada ah ka dib xilliyo xidhiidh ah oo ka hooseeya heerka caadiga ah ee roobabka ilaa dabayaaqadii 2020-ka, kuwaas oo saameeyay beeraha, xoolaha, dhirta, kheyraadka biyaha, hab-nololeedka, iyo kheyraadka daaqa.”

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ku qiyaastay in abaarta daba dheeraatay ee Geeska Afrika ay sababtay in 23.4 milyan oo qof ay soo food saartay cunto yari ba’an iyo 5.1 milyan oo carruur ah oo ay soo food saartay nafaqo darro ba’an.

Horraantii sanadkan, Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP waxay ka digtay in xilli roobaad kale oo xun inta u dhaxaysa March iyo May 2023 ay cawaaqib xun ku yeelan doonto bulshooyinka Geeska Afrika oo dhan.

 

Share:

Related Posts:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog