GURIGA »
somalia
» Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha (IFAD) ayaa caddeeyey in Soomaaliya laga cafiyay deymaha dibadda ee ay ku lahaayeen
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey
u qaabilsan horumarinta Beeraha IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay
ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doolar.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo
Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu
gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka
dayn cafinta.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha dalkeenna ee
horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran, isaga oo tilmaamay in ay nasiib
darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeedu ay u baahdaan sannad
kasta gurmad iyo quudin degdeg ah, waxa uuna sheegay in caqabadaha dib u dhigay
wax-soosaarka beeraha dalka ay ugu horreeyeen argagixisada Alshabaab oo
haysatay dhul baaxad leh oo ku habboonaa tabcashada.
“Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen baaqa dowladda ee ku saabsanaa in
aan u istaagno dabar-goynta argagixsada , iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee
Soomaaliyeed oo garab ka helaya dadka deegaannada ay ku guuleysteen xoreynta
deegaanno badan. Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ah dhul-beereed badan oo ku
habboon maalgashiga iyo beerashada, waxaanna ku rajo weynahay inay taasi dhici
karto”.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida deymaha lagu
leeyahay dalkeenna, isbeddelka cimilada iyo yaraanta khibradaha iyo
farsamooyinka tabcashada ay caqabad ugu yihiin horumarka beeraha dalka, waxa
uuna xaqiijiyey in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii loo kobcin lahaa
fahamka iyo kasmada beeraha.
0 Comments:
Post a Comment