GURIGA »
somalia
» Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ka wada hadlaya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga
Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamzah Adam Haddu, ayaa maanta
oo Isniin ah xafiiskiisa ku qaabilay Chen Wendy oo ah Siihayaha Safaaradda
Shiinaha ee Muqdisho.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada
dal ee horay u jiray, iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada dhaqaalaha
iyo teknolojiyadda.
Hado ayaa uga mahadceliyey madaxda Shiinaha taageerada ay dalkiisa ka
siiyaan fagaarayaasha caalamiga ah, waxaana uu sii hayaha arrimaha dibadda
Soomaaliya la wadaagay dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto qaadista cunaqabateynta
hubka ee caqabadda ku ah dib u dhiska ciidamada xoogga dalka.
Sidoo kale, Chen ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay Soomaaliya iyo guud
ahaan Afrika u leeyihiin dalka Shiinaha, wuxuuna caddeeyay inay ka go’an tahay
xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo labada dhinac ay kulankooda ku soo
gebagebeeyeen ballan-qaad xooggan oo ku aaddan sidii loo sii wadi lahaa
xiriirkooda iyo sidii loo dhisi lahaa xiriir xooggan mustaqbalka.
0 Comments:
Post a Comment