GURIGA »
» Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ku qaabilay Guddoomiyayaashii hore ee G/ Shacabka BJF
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ee
xarunta maamulka Galmudug kula kulmay siyaasiyiin waaweyn oo kasoo jeeda
Koonfur Galbeed.
Siyaasiyiintan oo ay ka mid yihiin Gudoomiyayaal hore ee Baarlamaanka ayaa
gaaray Degmada Doosmareeb, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan dadaalada
uu Madaxweynaha Soomaaliya ugu jiro la dagaalanka Al-Shabaab, isla markaana ay
ka wadahadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka guud ahaan, gaar ahaana Maamulka
Koonfur Galbeed.
Siyaasiyiinta dalbanaya doorashada Koonfur Galbeed, ayaa xaqiijiyay inay ka
go’an tahay inay qaataan doorkooda ku aadan sidii dalka looga xoreyn lahaa
Xarakada Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha ayaa dhankiisa ka codsaday siyaasiyiintii uu la kulmay in ay
ka go’an tahay midnimo, wada tashi iyo tanaasul si loo xaliyo khilaafaadka si
loo gaaro Soomaaliya oo ka xor ah argagixisada.
Siyaasiyiintan ayaa qeyb ka ahaa heshiis ay wada gaareen iyaga iyo
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, C/casiis Leftagrin, bishii hore ee
February, heshiiskaas oo ay garwadeen ka ahaayeen
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh
Aadan Madoobe, si xal looga gaaro xiisad siyaasadeed Maamulka Koonfur Galbeed
ayaa ka jiray, waxayna ku heshiiyeen in muddo hal sano ah loogu kordhiyo
Maamulka Leftagriin, hase ahaatee,
iyadoo xilligan uu sii dhamaanayo, waxay
dalbanayaan in la fuliyo waxyaabihii lagu heshiiyey, lana qabto doorashooyinka
Baarlamaanka iyo Madaxweynaha gobol.
0 Comments:
Post a Comment