GURIGA »
» Xukunno dil ah oo lagu riday dhagar qabayaal ka tirsanaa Khawaarijta oo dilal ka fulin jiray Gaalkacyo
Xukunno dil ah oo lagu riday dhagar qabayaal ka tirsanaa Khawaarijta oo
dilal ka fulisay magaalada Gaalkacyo.
Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin
(iidoow) waxa ay ka mid ahaayeen Shabakad ka kooban Lix ruux oo dilalka
gaadmada ah iyo qaraxyada ka fulisa Mudug gaar ahaan Gaalkacyo.
Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayaa lagu soo eedeeyay dilka Marxuum
Maxamed Jaamac Maxamed (Cagabiyood).
Halka Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) oo ahaa horjoogihii
shabakada isagana lagu soo eedeeyay dilka marxuumiinta kala ah Cabdi Aadan
Siyaad (Cabdi Dheere) iyo Cilmi Cali Guuleed.
Waxa ayna dhamaan dilalkan dhaceen xili marxuumiinta ay kasoo baxeen
Masjid-ka oo ay ku cibaadeysanayeen.
17-kii bishii April ee sanadkan ayey soo galeen gacmaha ciidamada amniga
kadib howlgal looga jawaabayay qarax ay la beegsadeen gaari Cabdi Bille ah oo
ay lee yiihiin kumaandooska xoogga dalka ee Danab.
Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa
codsaday qaadista kiiskaas, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Darajada
koowaad ayaa 22-kii bishii May ee sanadkan ku xukuntay Anas Cabdulqaadir Cali
Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) xukun dil toogasho
ah.
Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan ka dib xukunkii
dilka ahaa ee lagu riday.
Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo
qaateen qareenada 24-tii bishaan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay
dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee
horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Anas Cabdulqaadir
Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow), sida uu
warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
ee Ciidamadda Qalabka Sida.
0 Comments:
Post a Comment