Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu iibiyo kooxdiisa.
Maalqabeenka reer Russia Roman Abramovich, milkiilaha kooxda London ka dhisan ee Chelsea, ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu iibiyo kooxdiisa Ingiriiska.
Hadal uu soo dhigay website-ka rasmiga ah ayuu Abramovich ku sheegay in uu qaatay go’aan aad u adag oo xanuun badan.
Abramovich ayaa sheegay in uusan "ka dalban doonin kooxda inay bixiso deymo weli taagan", isagoo xusay in iibinta lagu deeqi doono dhibanayaasha dagaalka Ukraine.
Abramovich waxa uu maamulka arrimaha naadiga u gudbiyay guddiga wakiillada ee “Chelsea Charitable Foundation”, kaddib duulaankii Ruushka ee Ukraine.
Talaabadan ayaa sii hurisay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan iibka kooxda Ingariiska, waxaana maalqabeenka reer Switzerland Hans-Jorg Weiss uu sheegay inuu helay dalab uu ku iibsanayo Chelsea. Naadiga Ingiriiska.
Hans-Jorg Weiss ayaa intaa ku daray in Abramovich "uu doonayo inuu sida ugu dhaqsaha badan uga takhaluso Chelsea", ka dib markii hanjabaad cunaqabateyn ah lagu soo qaaday baarlamaanka.
Abramovich, oo 55 jir ah, ayaa la rumeysan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, arrintaas oo uu milkiilaha Chelsea beeniyay.
0 Comments:
Post a Comment