GURIGA »
muqdisho
» RW Xamse "Waqti uma hayno is qabqabsi mudo 40 sano ku dhaw ayaan isku haysanay looma dhamo iyo ana ka maqna"
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa
markale si faahfaahsan uga hadlay ansixinta afarta cutub ee ka midka ah
Dastuurka oo Sabtigii ay meel mariyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya
Raysal wasaaraha ayaa sheegay in qabyotirka Dastuurka ay tahay talaabo
muhiim ah oo horay loo qaaday oo ay ku faraxsan yihiin dadka Soomaaliyeed,
isagoona xusay in la joogo xiligii ay dadka Soomaaliyeed u midoobi lahaayeen
horumarka dalka.
“Xukuumadda waxaa ka go’an iney dhageysato ciddii tabasho qabta, balse lama
aqbali karo in la ishortaago go’aamada ay gaaraan hay’adaha Dastuuriga ah
ee dalka, labada gole ee Baarlamaanka waxaa ku jira nooc kasta oo Soomaalidu
ledahay qof weyn qof yar rag iyo dumar qabiil kasto, hadaba hadaan intaas oo
dhan aamini wayno maxa ino harsay” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi
Barre.
Wuxuu sidoo kale sheegay Raysal wasaaraha inaan marnaba la aqbali karin talaabo
kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
“Waxaan joognaa waqtigii midnimada ee ma joogno waqtigii kala tagga, adduunku
maanta waa isku soo guurayaa, anaguna saacaddaan uma kala tagi karno qoys qoys
talo qof weyn oo wax garanayana maahan kala taggu. Waqti uma hayno is qabqabsi
mudo 40 sano ku dhaw ayaan isku haysanay looma dhamo iyo ana ka maqna ee waa
inaan ka gudubna waxaas ” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Xamse Cabdi Barre ayaa hadalkaan ka jeediyay munaasabad afur aheyd oo ka
dhacday Muqdisho, taasoo ay ka qaybgaleen Gudoonka Baarlamaanka, Xildhibaannada
labada gole iyo labada guddi ee kasoo shaqeeyay qabyotirka afarta cutub ee
Dastuurka dalka.
0 Comments:
Post a Comment