GURIGA »
Soomaaliya
» Madaxweyne Xasan Sheikh: Farxaan Qoroole wuxuu ahaa geesi ay ka go’anayd in uu Shabaab ka xoreeyo dalkiisa
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masjidka Shuhadada ee
madaxtooyada kaga qeyb galay salaadda Janaasada taliyehii qaybta guud ee
boliiska gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo ku
geeriyooday dagaalkii kadhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in Marxuum Farxaan Maxamuud Qoroole
uu ahaa geesi ay ka go’anayd in uu Shabaab ka xoreeyo dalkiisa, wuxuuna sheegay
inuu noqday halyay u shahiiday isagoo haya jidka sharafta badan.
“Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay leeyihiin hal cadow oo ay tahay in ay cudud
iyo caqliba u mideeyaan. Caqli saliim ah ma ahan in aynu aqbalno ficilladooda
gumaadka ah. Qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in uu doorkiisa ka
qaato dagaalka ka dhanka argagixisadaas,” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheikh.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay damiir xumo tahay
ganacsatada hantidooda sida baadda ah u siiya Alshabaab, taasoo uu
sheegay inay ku maalgeliyaan dhagarta ay Alshabaab ku gumaadaan shacabka
Soomaaliyeed ee birmi-gaydada ah.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aysan dowladdu aqbalayn arrinkaas,
islamarkaana lala xisaabtami cid kasta oo Alshabaab ku maalgalisa dhaqaale ama
siyaabo kale ula macaamisha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay garab istaagi
doonaan ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ee la dagaalanka argagixisada
0 Comments:
Post a Comment