GURIGA »
Adduunka
» Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Talyaanig
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada
Roma ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho ku saabsan
xoojinta xiriirka Talyaaniga
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa marti-qaad ka helay madaxda dalka Talyaaniga,
isagoo kulamo la qaadan doona dhiggiisa Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare
Giorgia Meloni oo ay ka wada-xaajoonayaan kobcinta iskaashiga labada dal iyo
hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Sida ay madaxtooyadu sheegtay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda
Talyaaniga u soo bandhigaya dhinacyada ay danaynayso dowladda Federaalka
Soomaaliya in laga caawiyo, si guul looga gaaro dagaalka Alshabaab, loona
gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed xasilloonida iyo nabadda.
Sidoo kale, madaxtooyadu waxay sheeegtay in Labada dal ay ka arrinsanayaan
iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, Warshadaha iyo waxbarashada,
iyadoo Madaxda iyo diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan MadaxweynahaJamhuuriyadda ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Talyaaniga heshiisyo iyo
is-afgarad ku qotoma danaha dalkeeinna.
0 Comments:
Post a Comment