Wednesday, June 7, 2023

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ayaa ka wada hadlaya xoojinta iskaashiga milatari iyo la dagaalanka argagixisada

 

Soomaaliya iyo Sacuudi

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay Taliyaha ciidanka xoogga dalkaas General Fayyad Al-Ruwaili oo Wasiirka iyo Wafdigiisa ku soo dhaweeyay dalkaas.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo Iskaashiga ciidamada, iyagoo isla soo hadal qaaday Iskaashiga la dagaallanka argagixisada.

Taliyaha waxaan ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ciidamada labadeena dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada caalamiga ah”  ayuu yiri Wasiir Jaamac

Wadahadalladan ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidamadaxoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Sacuudiga.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog