GURIGA »
dhaqaalaha
» Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Uk oo heshiis ku kala saxiixday Muqdisho
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa heshiis is-afgarad
ah oo ku saabsan arrimaha caafimaadka Muqdisho kula saxiixday Xafiiska Dawladda
Ingiriiska u qaabilsan arimaha horumarinta caafimaadka.
Heshiiskan ayaa dhigaya mashruuc caafimaad oo laga hirgalin doono qaybo ka
mid ah dalka, kaas oo la rajaynayo inuu wax weyn ka tari doono hoos u dhiggidda
dhimashada dhallaanka iyo Hooyada
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegey in Dowlada Ingiriiska ay uga
mahadcelinayaan taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin Dawladda
Soomaaliya, waxa uuna sidoo kale Wasiirku hoosta ka xarriiqay muhiimadda
Mashruucani u leeyahay shacabka Soomaaliyeed.
Sii hayaha safiirka safaaradda Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Marwo
Lottie Burrows ayaa sheegtay in dowladda Ingiriiska ka go’antahay sii wadidda
taageerada Caafimaadka Soomaaliya.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxay sheegtay inay ka go'an tahay baahinta
iyo tayaynta Barnaamijyada Caafimaad ee dalka si loo helo Bulsho bedqabto,
iyadoo la raacayo yoolka Caafimaadka ee Dowladda.
0 Comments:
Post a Comment