GURIGA »
Bulshada
» mexey dumarku u qalbi jabaan marka xiriir jacayl looga baxo oo la ogaaday
Sida lagu sheegay cilmi-baaris ay samaysay Jaamacadda Stanford University
School of Medicine, dadka jacaylka uu hayo waxaa sare ugu kacaya hormoonka
‘Dopamine’ ee maskaxdooda ku jira, taas oo sabab u ah farxadda iyo niyadda
deggan ee ay dareemayaan.
Hase yeeshee, hormoonka dopamine ayaa waxa uu sidoo kale saameeyaa hababka
dulqaadka qofka u uku dhaco xanuunka qalbi jabka. 'Broken Heart syndrome'.
Xanuunkan wuxuu ku badan yahay haweenka, iyadoo daraasad la sameeyay lagu
ogaaday in boqolkiiba 90 dumarka uu qalbi jabka saameeyo.
"Waxaa laga yaabaa sababta inay tahay in shucuurta dumarka ay aad u
sarreyso sidaas darteed waxay u badan tahay inuu saameeyn xooggan ku yeesho
xanuunkan," ayay tiri Dr. Jelena Ghadri, oo ku takhasusay cudurrada
wadnaha iyo daaweynta xanuunka qalbi jabka.
Cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in dadka qalbi jabka ku dhaco ay lumiyaan
xiriirka nidaamka limbic ee maskaxdooda. Waxayna dhibbanayaashu taas u
horseedaysaa inay wajahaan saamaynta shucuureed ee walbahaarka iyo qalbi jabka
la soo darsay.'
Cilmi-baarista oo sii faah-faahisay ayaa sheegtay in muddo dheer, xanunka
qalbi jabka uu ahaa mid aan la ogaan karin ama aan si dhab ah loo qaadanin
saameyntiisaa.
Markii aan bilownay cilmi baarista, waxaa noo suurtagashay in aan faafinno
wacyiga cilmiga ah ee xanuunkan, waxaana sii korodhay heerka cudurka baarista
waqti ka dib, taas oo muujineysa in hadda aan si fiican u fahannay xanuunkan,
waxaan bilownay in aan wax badan ka ogaanno. maalin uun baan dawo u heli
doonnaa.”
Cilmi-baarayaashu waxay aaminsan yihiin in qayb gaar ah oo maskaxda ah oo
loo yaqaan 'hind cingulate' ay ka falceliso cadaadiska jirka iyo maskaxda ama
xanuunka.
Inta badan dadka ay saameysey dhibaatada qalbi jabka waxay ku soo kabtaan
maalmo ama toddobaadyo gudahood, laakiin waxay noqon kartaa mid nafta halis
gelisa oo xaaladaha qaarkood keentay dhimasho.
Dr Guy Winch oo ku takhasusay cilmi-nafsiga ayaa yiri: 'Cilmi-baaristu
waxay muujinaysaa in ay jiraan isbeddello badan oo maskaxda ah oo u horseeda
dadka inay maskax ahaan naafo noqdaan. Sababta oo ah maskaxdu waxay wax uga
falcelinaysaa si aad u daciif ah.'
Waxa uu sheegay in 'dadka qaar ay la qabsadaan daawashada sawirada qofkii
ay kala tageen, iyagoo u arka inay niyadda ugu qaboobeysa balse dhab ahaantii
taas kaaga sii dareysaa xanuunka ku hayo oo waxa ay qaadanaysaa wakhti dheer in
aad ka bogsato.'
“Dawada ugu wanaagsan ayaa ah inaad ka fogaato dhammaan xusuusaha aad ka
hayso qofka aad kala tagteen ama qalbi jabka kuugu riday.”
Qalbi jabku wuxuu noqon karaa waayo-aragnimo aad u xun, sidoo kale wuxuu
kugu noqon kartaa mid aad u xanuun badan., ayuu yiri Dr Guy Winch, 'Balse wuxuu
sheegay in laga yaabo in dhibaaytada aad ka dhaxashay qalbi jabka ay uur ku
taallo kuugu noqoto.
Isaga oo arrimahaas sii faahfaahinaya waxa uu Dr Guy Winch yiri, ‘Jacaylku
waxa uu maskaxdeenna ugu kaydsan yahay sida balwadda oo kale, sidaa darteed
markaad qof la qabsato oo aad kala tagtaan, waxay la mid tahay sida qof balwad
isticmaalayay oo iska joojiyay.'
0 Comments:
Post a Comment