GURIGA »
Siyaasada
» Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dalkiisa uusan ku adkeyn doonin rabitaanka shaqsi ama koox
Raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ayaa sheegay, dalku
inuusan u dabranaanayn shakhsi iyo ama koox uu ku tilmaamay inay doonayaan in
kaligood la dhegaysto oo la fuliyo danahooda.
Raysal wasaare Xamse wuxuu sheegay, Soomaaliya inay kasoo daashay in loo
dabarnaado koox gaar ah. Wuxuu sheegay qorshaha ay dowladdu diyaarisay inay ka
go’an tahay in lagu dhaqaaqo haddii uu barlamaanka meel mariyo.
Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay inay jiraan siyaasiyiin rabitaankooda gaarka ah
iyo danahooda ku mucaaradsan Dowladda Soomaaliya. Wuxuu sheegay Dowladda inay
dhowr jeer ugu baaqday inay miiska yimaadaan oo ay qeyb ka qaataan
gaarista talada dalka.
“Dastuurkeennu waa inuu dhameystirmaa. Anaa maqan looma baahna. Haddaad maqan
tahay, kaalay imow. Cidi kuma haysato. Ma cidbaa kuu diidan. Waliba waa lagu
tuug tuugayaa, caqligaagaa loo baahan yahay. Waana laguu tanaasulaa, laakiin
soo farriiso,” ayuu yiri Xamse.
Xamse wuxuu si adag u difaacay heshiis qaabaynta doorashooyinka heer federal
iyo heer dowlad goboleed. Wuxuu sheegay sababta dowlad goboleedyada loogu
kordhiyay hal sano in ay tahay in la mideeyo doorashooyinka.
0 Comments:
Post a Comment