Madaxweyne Xasan oo ku dhawaaqay dagaal qaraar
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ku maamuuseen madaxda iyo bulshada Galmudug ayaa ka warbixiyey mudnaanta uu siinayo daadejinta adeegyada dowladda, adkeynta dimuqraadiyadda dalka iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka arxan darrada ah ee ay soo maleegaan argagixisada Al-Shabaab, isagoo soo bandhigay sida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay maanta ugu taagan yihiin in ay wadajir uga xoreeyaan dalka.
Wararka ka imaanaya magaalada Baroe ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen deegaanka Ambariso oo ku dhow degmada Baraawe.
Ciidamada dowladda ee howlgalka qeybta ka ahaa ayaa waxay ka tirsan yihiin Ururka 25-aad ee guutada 6-aad, waxaana tuulada howlgalka laga fuliyey dhawaan ciidamada dowladda lagula eegtay qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay.
0 Comments:
Post a Comment