Xasan Sheekh Maxamuud oo xoojiyay xiriirka uu la leeyahay Sunniga si loo midoobo
Hoggaanka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa sheegay inay madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ka filayaan in uu dhexdhexaadiyo iyaga iyo maamulka Galmudug.
Ilo ku dhow dhow Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegaya in Villa Somalia ay ka doonayaan inay ka soo qaybgeliso dadaalada nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta, si xal looga gaaro xurgufta kala dhaxeysa Madaxtooyada Galmudug.
Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Ahlu Sunna Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa toddobaadkii hore sheegay inaanay iyagu cidina weerar ku ahayn, balse ay diidan yihiin shirqooladii ay u maleygtay sida uu yiri dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale, inta uu xilka hayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ay Dowladdiisu xiriir wanaagsan la leedahay Hoggaanka Ahlusunna.
0 Comments:
Post a Comment