GURIGA »
» Dowladaha Carabta oo ku dhawaaqday qabashada shir looga hadlayo abaaraha ka jira Soomaaliya
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Hossam
Zaki, ayaa shaaca ka qaaday in 6-da bisha December ee soo soota la qaban
doono shir caalami ah oo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa
abaaraha ka jira Soomaaliya,isla markaana, kor loogu qaadi lahaa haqab-beelka
cuntada iyo kor u qaadista awoodda la qabsiga isbedelka cimilada ee Soomaaliya.
Shirweynahaasi ayaa la filayaa in ay garwadeen ka noqdaan JaamacaddaCarabta iyo Qaramada Midoobay,si looga hortago khatarta macluusha ee Soomaaliya
, kadib markii tirada dadka ay abaaruhu saameeyeen ay gaareen ilaa 7.8 milyan
danjire Zaki oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta xoghaynta guud ee
Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka jirto abaar daran, taasoo
ah tii ugu darneyd ee soo marta dalka muddo dhowr iyo labaatan sano ah, kadib
markii la waayey roobabkii muddo 5 sano, taasina keentay in kala bar dadka
Soomaaliyeed ay la noolaadaan dhibaato abaareed
Waxa uu tilmaamay in Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed
Aboul Gheit uu la xiriiray Madaxweynaha Somalia, Wasiirka Arrimaha Dibedda
Somalia iyo Madax badan oo Somalia ka tirsan, isla markaana ay ka wadahadleen
wax ka qabashada musiibadan ka jirta Soomaaliya iyo sidii looga
bixi karo duruufaha taagan.
Shirkaan caalamiga ah ee Carabtu waa in la isku duba rido qorshayaal
hawleed u dhexeeya ururada maxaliga ah, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ka
shaqeeya Soomaaliya si loo wajaho xaaladda ka jirta Soomaaliya ayuu yiri”
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Hossam Zaki.
dawladaha jaamacad carabta ayaa waxeey ku dadaalayaa sidii Soomaaliya looga
samatabixin lahaa khataraha ku xeeran, waxayna si gaar ah ugu mahad celinayaan
Madaxweynaha dadaalka cad ee uu Soomaaliya ugu jiro hagaajinta dhammaan
xaaladaha.
0 Comments:
Post a Comment