GURIGA »
ciyaaraha
» Ronaldo ayaa ka hadlay shaqsigiisii taariikhiga ahaa wuxuuna meesha ka saaray heshiiskii uu kula jiray United
Xidiga xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay guulihii
rekoodhka ahaa ee uu ka gaadhay obka aduunkoka kadib markii uu 3-2 kaga badiyay
xulka Ghana wareegii kowaad ee wareega Group-yada koobka aduunka ee ka socda
dalka Qatar.
Ronaldo ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay Portugal daqiiqadii 65-aad ee
rigoore, wuxuuna noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay taariikhda ee 5 jeer oo
xiriir ah gool ka dhaliyay koobka aduunka.
Cristiano Ronaldo ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay kadib markii uu ku
guulaystay abaal marinta xidigii ugu fiicnaa xulka qaranka Portugal iyo Ghana,
wuxuuna sheegay in uu ku faanayo in uu ku faraxsan yahay in uu ka gaadhay
rekoodhka taariikhiga ah.
Xiddiga reer Portugal ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan noqday
ciyaaryahankii ugu horeeyay adduunka ee gool ka dhaliya 5 koob adduun, waana
arin lagu faano”.
Isagoo ka hadlayay joojinta qandaraaska uu kula jiro Manchester United, wuxuu
yiri: "Waxa aniga ii quseeya ayaa ah inaan hadda ka ciyaarayo KoobkaAdduunka oo aan goolal ka dhaliyo Portugal, wax kale ma ahan wax macno
ah."
Portugal ayaa hogaanka Groupka ku haysa 3 dhibcood, waxayna laba dhibcood ka
dambeeyaan Uruguay iyo South Korea kadib markii ay barbaro 0-0 ah ku kala
baxeen, halka Ghana ay ku jirto kaalinta ugu hoosaysa ee Group-ka iyada oo aan
wax dhibco ah lahayn.
Xulka qaranka Portugal ayaa isku diyaarinaya in ay wareega 2-aad la ciyaaraan
Uruguay, halka ay wareega 3-aad la ciyaari doonaan xulka Kuuriyada Koonfureed.
0 Comments:
Post a Comment