GURIGA »
ciyaaraha
» Natiijo cayaareed oo dunida ka yaabisay – Argentina vs Sacuudi Carabiya
Natiijo cayaareed oo sanado badan ay taariikhda xusi doonto ayaa ka
dhacday magaalada Lusail ee dalka Qatar, halkaasi oo uu ka socdo Koobka Kubadda
Cagta Adduunka 2022.
Dalka Sacuudi Carabiya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray dalka Argentina oo
ay isku arkeen cayaar ka tirsaneyd Group C, ayaga oo kaga adkaaday 2-1.
Ma jirto cid fileysay in Sacuudiga ay ka adkaan doonaan Argentina iyo
Lionel Messi, oo dad badan ay u arkaan cayaaryahankii ugu wanaagsanaa ee abid
cayaara kubadda cagta, taa beddelkeed waxaa su’aasha ay ka taagneyd imisa gool
ayaa laga dhalin doonaa Sacuudiga?
Daqiiqaddii 10-aad ee cayaartaba, waxaa durba xisaabta dhallinta billaabay
Argentina, oo Lionel Messi uu u dhaliyey rigoore, waxaana kadib filashadu ay
aheyd imisa gool ayey Argentina raacin doonaan.
Argentina kadib waxay dhaliyeen saddex gool, oo dhammaantood la diiday
sababtoo ah waxay ahaayeen dhinac ka bax ama offside, waxaana qeybtii hore ee
cayaarta ay ku idlaatay 1-0 oo Argentina ay ku hoggaaminayeen.
Hase yeeshee, qeybtii labaad ee cayaarta ayaa dunida waxay aragtay wax
maalmo, toddobaadyo, bilo iyo sanado badan laha sheekeyn doono. Sacuudi
Carabiya ayaa dhalisay laba gool oo deg deg ah, daqiiqaddii 49-aad iyo 53-aad,
oo ay kala saxiixeen Saleh Al-Shehri iyo Salem Al-Dawsari.
Argentina ayaa kadib billaabay weerar badan, balse Sacuudiga ayaa si qurux
badan u difaacatamay, waxaana kabtan Messi iyo kooxdiisa ku adkaatay inay mar
labaad taabtaan shabaqa Sacuudiga oo ay dhaafaan goolhaye Mohammed Al Owais.
Argentina ayaa kubadda haysatay inta badan cayaarta ama 69%, halka
Sacuudigu haysteen kaliya 31%, balse waxba waa ku tari waayeen.
Sacuudigu waxay gaareen guul taariikhi ah, Argentina waxay calaamad su’aal
weyn saareen haddii ay sax aheyd saadaasha dad badan oo aheyd inay sanadkan
hanan doonaan koobka.
Wax walba ka filo kubadda cagta.
0 Comments:
Post a Comment