GURIGA »
somalia
» Madaxweyne Xasan Shiikh oo kala diray Guddigii doorashooyinka iyo Guddigii Xuduudaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa soo saaray wareegto ku saabsan waafajenti sharciga Xeerar Madaxweyne
oo la soo saaray sanadkii 2020-ka, kuwaas oo Aqalka Sare ee Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya ay tilmaameen in ay khilaafsan yihiin habraaca Dastuurka
kmg ah uu tilmaamayo.
MARKUU ARKAY: Qodobka 4aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S.;
MARKUU ARKAY: Qodobada kala ah 71aad (b), 82aad (2), 111E, 111G iyo 112aad
ee Dastuurka KMG ee J.F.S, Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Gudidda
Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Faqradiisa 1aad oo mudadda xil-haynta
Guddida ku soo koobtay Lix sanadood oo aan la cusboonaysiin karaynin iyo
Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo
Federaalka.
Madaxweynaha oo tixraacaya Qodobka 87aad ee Dastuurka Jamhuuriyada
Federaalka Soomaaliya oo ku waajibinaya ilaalinta iyo horumarinta mabaadi’da
aasaasiga ah ee Dastuurka dalka ayaa buriyey Xeererka Madaxweyne ee sida
Dastuurka khilaafsan u soo baxay ee kala ah;
1- Xeer Madaxweyne Lr.40 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan
Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
2- Xeer Madaxweyne Lr.42 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan
Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu Dhisay
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.
3- Xeer Madaxweyne Lr.41 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan
Ansixinta Sharciga Hey’ada Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in
ay soo dhisto Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo
Xubnaha Guddiga a Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka si waafaqsan
Qodobka 112aad ee Dastuurka KMG iyo shuruucda lagu dhisay.
0 Comments:
Post a Comment