Sunday, August 7, 2022

madaxweyne Xasan Sheekh oo xaley Madaxtooyada kulan wadatshi ah kula qaatay qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed.

 

Xasan Sheekh

Golaha Wasiirada Soomaaliyaayaa maanta la horgayanayaa xildhibaanada golaha shacabka si ay codka kalsoonida ugu qaadaan ayada oo weli hubanti la’aan badan ay ku hareeyeysan tahay.

Maalmihii ugu dambeeyey wasiirada ayaa waday dadaal xooggan oo codka kalsoonida ay uga raadinayaan xildhibaanada beelahooda ayaga oo ku guuleystay inay ka helaan ballan-qaadyo, balse ma cadda waxa dhici doono marka codka la qaado.

Wasiirada ayaa wajahayey cadaadis xooggan oo kaga imanaya dhinacyo kala duwan oo isbiirsaday, dadaalladaas oo la doonayo in codka kalsoonida loogu diido.

Waxaa dhinacyadaas ka mid ah xildhibaano cadhaysan kadib markii ay xilal wasiir soo waayeen, madaxdii hore ee dowladdii Nabad iyo Nolol, madax goboleedyada qaarkood iyo xildhibaano qaab beeleed u abaabulan oo ku doodaya in beelahooda aan la siin “wasiiradii ay u qalmeen.” 

Dhinacakale Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa sameeyey dadaallo xooggan oo codka kalsoonida looga raadinayo xildhibaanada, waxayna u badan tahay in la meel mariyo, sida aan xogta ku helnay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley Madaxtooyada kulan wadatshi ah kula qaatay qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed.

sidhookale Xasan Sheekh ayaa culumada uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo adkeynta xiriirka dowladda iyo culimada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay u leeyihiin la dagaallanka fikirka xagjirnimada iyo toosinta dowladnimada.

Madaxweynaha HSN ayaa ku bogaadiyay aqoonyahannada Soomaaliyeed doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan wacyigelinta, wacyigelinta iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku ammaanay doorka ay ka qaateen gurmadka abaaraha iyo gurmadka dadka dhibaateysan

Sidhookale Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Beerri ayaa marka hore ka codsan doona Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in ay meel mariyaan Xukuumadda uu soo dhisay, si ay u gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Xukuumadda ayaa waxaa caawinaya ayada oo ku dhowaad 50 xubnood oo ka mid ah golaha wasiirada ay yihiin xildhibaano, waxaana la filayaa in kooramka uusan ka badnaan qiyaastii 150.

Xildhibaannada ayaa laga codsaday inay xilli hore soo xaadiraan kulankaan oo muhiim ah.

Waxaa golaha shacabka Soomaaliya hortegi doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo marka hore xildhibaannada Soomaaliya weydiisan doono inay meel-mariyaan xukuumadda uu soo dhisay, si ay gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

 

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog