Sheekh Maxamuud ayaa ku howlan sidii uu u fulin lahaa balanqaadyadii uu ku sameeyay doorashada
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ugu jira sidii loo mideyn lahaa dowladda Federaalka si loo gaaro danaha shacabka Soomaaliyeed. Iyadoo loo marayo golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka inta laga gaarayo dhamaan qaybaha kala duwan ee shacabka
Madaxweyne Sheekh Maxmuud ayaa dadaal ugu jira sidii loo dhameystiri lahaa dastuurka Soomaaliya, isla markaana loo heli lahaa nidaam garsoor oo adag oo cadaalad ah, si aysan shacabka mar kale ugu dhicin cadaalad daradii ay kala kulmeen dowladdii hore.
Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ugu jira sidii nidaamka doorashada uu u noqon lahaa mid toos ah, si shacabka Soomaaliyeed ay u soo xulaan wakiiladooda, si shacabka ay u helaan xoriyad ay ku doortaan madaxweynahooda.
Waxa uu ku hawlan yahay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada abaareed, isagoo kaashanaya beesha caalamka, gobolada oo dhanna la kaashanaya. Tani waxay ku tusinaysaa in Xasan Sheekh uu dan ka leeyahay oo kaliya Somaliya iyo wanaaga shacabkeeda
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay waxqabadkii uu dalka ka sameeyay in uu ka mid yahay madaxweynayaashii ugu wanaagsanaa ee soo maray dalka Soomaaliya, isagoo mar walba ku dadaalaya in shacabka aysan dhibaato soo gaarin, dalkana loo hormariyo.
0 Comments:
Post a Comment