GURIGA »
somalia
» Soomaaliya oo wadah Qorsho ay doonayso in la kordhiyo joogitaanka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS
Howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS ayaa lagu wadaa in loo
kordhiyo joogitaankooda Soomaaliya, arrintaas oo ay haatan ka wada hadlayaan
dowladda Soomaaliya iyo guddiga nabadda ee Midowga Afrika.
Qorshahaan ayaa wuxuu sheegayaa in ATMIS lagu sii hayo Soomaaliya ugu
yaraan laba sano oo dheeraad ah, taasoo meesha ka saaraysa qorshaha ka
bixitaankooda Soomaaliya dabayaaqada sanadka 2024, sida lagu heshiiyay.
Dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa horey u soo jeediyay muddo shan
sano ah oo kala guur ah oo hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si
tartiib tartiib ah ula wareegi doonaan dhammaan howlaha amniga, balse Golaha
Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa isku raacay wadar ahaan 32
bilood laga bilaabo Abriil 2022.
Dalalka ciidamada ku deeqay waxay door bidayaan inay ka baxaan Soomaaliya 2026,
laakiin tani waxay ku xidhan tahay inay ansixiyaan beesha caalamka oo leh
awoodda dhaqaale, sida EU, UK iyo Qaramada Midoobay, kuwaas oo maalgeliyay
howlgalka, oo illaa iyo hadda ay ku baxday $3 bilyan tan iyo 2007.
Si kastaba ha ahaatee, Midowga Yurub, ayaa dhawaan walaac ka muujiyay in beesha
caalamka aysan waxba ka qaban dhameystirka xilliga kala guurka ee Soomaaliya,
oo ay ka mid yihiin dhismaha ciidamada ammaanka, tababaridda iyo qalabeynta
ciidamada milateriga iyo booliiska.
0 Comments:
Post a Comment