GURIGA »
gudaha dalka
» Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha
Dibadda dalka Burundi Mudane Albert Shingiro oo booqasho ku jooga caasimadda
dalka ee Muqdisho.
Wasiirka ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha farriin iyo salaan uu ka siday
Madaxweynaha dalkiisa Mudane Évariste Ndayishimiye, iyada oo dowladda Burundi
ay hoosta ka xariiqday muhiimadda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay u
leedahay gobolka iyo adduunka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dalkiisu ay bogaadinayaan guulaha
deg-degga ah ee dowladda Soomaaliyeed ay ka gaartay dagaalka lagula jiro
argagixisada Al-Shabaab, isaga oo sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin
shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa waxa uu kala hadlay Wasiirka
xoojinta xiriirka labada dal, wuxuuna xusay in shacabka iyo dowladda
Soomaaliyeed ay soo dhawaynayaan booqashadiisa, taasi oo ka tarjumeysa hor u
socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo dib u kabashada dalka.
Mudane Albert Shingiro ayaa Axadii soo gaaray dalka, wuxuuna horkacaya
wafdi ballaaran oo uu qeyb ka yahay General Silas Ntigurirwa oo ah la-taliyaha
Madaxweynaha Burundi ee dhanka ciidamada.
Wasiir Albert Shingiro ayaa waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa
Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo ay yeesheen wada-hadallo gaar ah,
kuwaasi oo diiradda lagu saaray taageerada xagga ammaanka ee Burundi ay siiso
Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah howl-galka ATMIS.
Burundi ayaa ka mid ah waddamada dhanka militariga ka taageera Soomaaliya,
waxayna qayn ka yihiin howl-galka ATMIS ee ururka Midowga Afrika.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socdo dagaal culus oo ka dhan
ah kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhawaan uu si rasmi ah u bilaaban doono wejiga
labaad ee dagaalka oo qeyb ka noqonayaan waddamada ciidamada ka joogaan dalka.
0 Comments:
Post a Comment