GURIGA »
gudaha dalka
» dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo lagu ammaanay dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Difaaca Uganda, Ms Rosette Byengoma iyo
dhiggeeda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda, Vincent Bagiire, ayaa si wadajir
ah u shir guddoominayay kulan ay isugu yimaadeen Xoghayeyaasha Joogtada ah,
taliyeyaasha Ciidamada Difaaca iyo Saraakiil Sare oo ka socday dalalka ay
ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ku jira howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.
Shirkan ayaa looga dooday warbixinno farsamo oo lagu meel marindoono shirka
ay yeelanayaan madaxweynayaasha dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka nabad
ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasoo berito magaalada Kampala.
Shirka ayaa lagu bogaadiyay dalalka ciidamada ATMIS ku deeqay, kuwaas oo lagu
ammaanay inay door muhiim ah ka qaateen nabadda, amniga iyo xasiloonida
Soomaaliya, ayna ka qeyb qaateen isbadalka siyaasadda, tababarada iyo in la
xoreeyay goobihii ay maamulayeen Al-Shabaab.
Xoghayayaasha joogtada ah ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay dadaallo
wadajir ah oo heer gobol ah oo ku aaddan la dagaallanka khatarta argagixisada.
"Khatarta argagixisanimadu ma garanayso xuduudaha, waxaana waajib ku ah
gobolka in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loola dagaalami lahaa, ugu
dambeyntiina meesha looga saari lahaa dhammaan kooxaha argagixisada ah iyo
xulafadooda," ayuu yiri Mr Bagiire.
Waxa uu ku nuux-nuuxsaday in loo baahan yahay in si wadajir ah loogu diyaar
garoobo, isla markaana waqti ku habboon loo diyaariyo, geeddi-socodka dhimista
ciidamada ATMIS, wuxuuna hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la helo agabka
loo baahan yahay marka la fulinayo dhimista ciidamada.
0 Comments:
Post a Comment