GURIGA »
somalia
» Midowga Yurub ayaa ogolaaday 116 milyan oo dollar oo lagu xoojinayo ammaanka Soomaaliya
Midowga Yurub ayaa ansixiyay lacag dhan 110 milyan oo Yuuro oo u dhiganta
116.6 milyan oo doolarka Mareykanka ah, si loogu guuleysto dadaallada lagu
xasilinayo Soomaaliya, ee dagaalka kula jira Al-Shabaab guud ahaan dalka.
Ururku waxa uu tilmaamay in 90 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah ay ku dari
doonaan dhaqaalihii hore loogu abaabulay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya
(ATMIS) ee sanadka 2023-ka iyo 26.6 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah oo loogu
talagalay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
"Labada tallaabo waxay ujeedadoodu tahay inay gacan ka geystaan
sidii mas'uuliyadaha amniga ee howlgalka Afrika loogu wareejin lahaa
ciidamada Soomaaliya, iyadoo loo oggolaanayo kuwii hore inay gutaan
waajibaadkooda iyadoo la xoojinayo awoodda kuwa dambe," ayuu xiriirku ku
yiri warsaxaafadeed uu soo saaray fiidnimadii Khamiista.
Wuxuu intaas ku daray in taageerada la isku afgartay ay inta badan gacan ka
geysan doonto gunnooyinka la siinayo askarta Afrikaanka ah ee loo dirayo
dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhuftay in dhaqaalaha
loo qoondeeyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay xoogga saari doonaan sidii
loo heli lahaa qalab aan wax u dhimi karin iyo ka shaqeynta kaabayaasha
dhaqaalaha, iyadoo si dhow loola xiriirinayo. Tababarka Midowga Yurub ee
Soomaaliya.
0 Comments:
Post a Comment