Tuesday, August 30, 2022

Soomaaliya ayaa kala hadashay Midowga Afrika sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

 

Soomaaliya

RW Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Berri oo ku sugan magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Musa Faki Maxamed, oo ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Al-Shabaab.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Waxaa xusid mudan in howlgalka Midowga Afrika oo ka kooban 20,000 oo askari, booliis iyo dad rayid ah oo loo xilsaaray in ay taageeraan dowladda taagta daran ee Soomaaliya, ay dalka ka howlgalaan sanadkii 2007-dii, balse 14-sano kaddib ma aysan helin xal u helidda arrimaha Soomaaliya.

dhibaatooyinka amni ee Soomaaliya ragaadiyay, iyo in la soo afjaro joogitaanka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda, oo hadda noqotay cudud khatarna ku ah Soomaaliya oo keliya, balse sidoo kale dalalka deriska la ah.

Soomaaliya ayaa kala hadashay Midowga Afrika sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab kadib kulan dhax marey RW somaliya iyo gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Musa Faki MaxamedKulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Dowladda cusub ee uu madaxweynaha ka yahay HSN ayaa runtii dooneysa in ay soo afjarto argagixisada ku faafeeso dalka ee alshabaab iyo in amniga dalka ay sugto

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog