GURIGA »
Soomaaliya
» RW Xamse: Dowladdu way kula xisaabtamaysaa cid walba oo gudan weyday shaqadeeda
Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ballanqaaday inay
dowladdu la xisaabtamayso cid walba oo hawsheeda gudan weysay, isagoo ka hadlayay
weerarkii hotel Xayaat iyo khasaarihii ka dhashay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu xalay booqday
isbitaallada lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii Alshabaab ku
qaadday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ee dadka
dhaawacmay ka dhageystay dhakhaatiirta isbitaallada Erdogan iyo Medina.
Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sheegay in dhaawacyada culus ee aan dalka wax looga
qaban karin ay dowladdu u qaadi doonto waddanka dibeddiisa – isagoo intaa
raaciyay in dowladdu qaadeyso bukaanno kale oo istibaallada horey ugu jiray.
Hadalka raysal wasaaraha ayaa kusoo aaday xilli in ka badan 20 qof ay ku
geeriyoodeen weerar socday in ka badan 24 saac oo Alshabaab ka geysteen hotel
Xayaat.
Waa weerarkii ugu cuslaa oo uu la kowsado raysal wasaare Xame, oo horey ugu
dhawaaqday dagaal ka dhan ah Alshabaab.
0 Comments:
Post a Comment