Sunday, August 21, 2022

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la soo af-jaray howlgalkii huteel Xayaat

 

alshabaab

Taliyaha guud ee ciiddanka Booliiska Soomaaliya, S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in 106 qof oo shacab ah laga soo badbaadiyay weerarkii Shabaab ku qaadeen hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Booliiska oo ka warbixinayay howlgalka ayaa sheegay inay ciidamadu xalay saqdii dhexe ku guulaysteen inay soo afjaraan howgalkaan.

Xijaar, wuxuu ku eedeeyay Alshabab inay laayeen dad u badnaa carruur iyo haween ah. Taliyuhu wuxuu sheegay khasaaraha dadka rayidka ah inuu dhacay saacadihii hore weerarka. Wuxuu tilmaamay inay ciidamadu ku guulaysteen badbaadinta shacabka hotelka ku xayirnaa.

Wuxuu xaqiijiyay inay askar naftooda ku waayeen iyagoo badbaadinayay dadka shacabka. Balse taliyuhu ma sheegin tirada askarta geeriyootay iyo dadka kale ee shacabka ahaa

Waxa muuqataa in madaxweynaha Soomaaliya HSN uu yahay mid go’aansaday isla markaana awood u leh in uu xaliyo xaalad walba oo uu ka hor yimaado dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab kadib markii ay ciidamada soo af jareen howl galkii Hotelka Xayaat ee Muqdisho.

Dadaalka ay wado xukuumadda maanta talada dalka haysaa ee uu hogaamiyo HSN oo ay ku baabi’isay dhaqdhaqaaqii alshabaab, waa mid ka duwan kii xukuumaddii hore, oo ayaad taageero siin jirtey kooxda

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog