Monday, August 8, 2022

Madaxweyne Xasan Sheikh oo kulan wadatashi ah la qaatay culimada Soomaaliyeed

 

HSN wada tashi la yeeshey culumada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa Madaxtooyada kulan wadatshi ah kula qaatay qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culumada uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo adkeynta xiriirka dowladda iyo culimada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay u leeyihiin la dagaallanka fikirka xagjirnimada iyo toosinta dowladnimada.

“Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta, waxbaridda iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayaan gurmadka abaaraha iyo taakulaynta dadka danyarta ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay madaxtooyadu ka soo saartay kulankaas.

Dhankooda culimada uu la kulmay waxay la wadaageen Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo tilmaamay sida ay dowladda ugala shaqeynayaan xaqiijinta “Soomaali heshiis ah.”

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog