Tuesday, August 9, 2022

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Uganda

 

Madaxweyne Xasan Sheekh "Kampala waxan ka furi doona iskuul lagu barto Afka Soomaaliga iyo tariikh-da sooyaalkii Dalkeena"

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaas.

Madaxweynaha oo garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee Entebbe uu ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Odongo Jeje Abubakhar, ayaa salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaas, halka kooxo ciyaar dhaqameed ah ay bandhig-dhaqameed ku maamuuseen booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadallo miro-dhal ah kula qaatay Madaxtooyada Uganda ee Entebbe, dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Kaguta Museveni, iyagoo ka wada hadlay horumarinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal, xasilloonida Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee heer Qaaradeed.

Madaxweynaha Soomaaliya HSM oo shaley gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa xaley la hadlay masuuliyiinta safaaradda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas. ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in dunida la gaarsiiyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Soomaalida Uganda doorkii ay ka qaateen dib u dhiska safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo lagu dhisay olole wadatashi.

Madaxweyn Xasan Sheekh ayaa kula dar daarmay safiirka iyo mas’uuliyiinta safaaradda inay bartaan dhaqanka carruurta ee bulshada, iyadoo wasaaradda waxbarashada ay magaalada Kampala ka furtay dugsiyo lagu barto afka Soomaaliga iyo taariikhda Soomaaliga.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Uganda ayaa ah mid ay dani ugu jirto Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale doonaya in uu xaliyo dhammaan dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira gudaha iyo dibadda iyo in la fidiyo amniga iyo nabadda

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog