Monday, June 5, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed oo la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

Soomaaliya iyo Sacuudiga

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa qalinka ku duugay heshiisyo cusub oo labada dowladood ay ku xoojinayaan xiriirka qotoda dheer ee labada dal.

Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa shalay magaalada Riyaad kula kulmay dhiggiisa dalka Suadi Dr. Abdullahi bin Muxamed bin Ibrahi Alaa Sheikh, iyagoo ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada baarlamaan ee dhanka siyaasadda iyo arrimo kale oo ay uga faa’ideysan karaan muwaadiniinta labada dal. .

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo dhiggiisa dalka Sucuudiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan ee Soomaaliya & Sacuudiga, iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada Wadan. Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka Ku-xigeenka Golaha Shuurada iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Baarlamaan.

Gunnaanadkii kulanka ayaa labada Guddoomiye isku af garteen in laga shaqeeyo lana xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan, waxaana lagu balamay in la dhiso guddi saaxiibtinimo ah oo ka shaqeeya dhaqan gelinta arrimahan iyo xiriirka labada Baarlamaan ee Sucuudiga iyo Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa tobanaan sano ka dhaxeeyay xiriir diblumaasiyadeed iyo iskaashi dhaqaale gaar ahaan dhanka xoolaha iyo shaqada.

Dowladda Sacuudiga ayaa 80% ka isticmaasha dhoofinta xoolaha nool ee Soomaaliya, waxayna soo jiidataa inta badan dadka Soomaalida ah ee ka shaqeysta tahriibka, kuwaasoo saameyn ballaaran ku yeeshay qaab dhismeedka dhaqanka iyo bulshada Soomaaliyeed.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog