GURIGA »
caalamka
» Soomaaliya ayaa magaalada Jeddah uga qeyb gashay shirka sanadlaha ah ee Wasiirada Maaliyadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadd
a Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi
Maxamuud Nuur ayaa gaaray Magaalada Jiddeh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Wasiirka ayaa halkaas uga qeyb gelaya Shir sanadeedka Wasiirrada Maaliyadda
Waddamada ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka OIC.
Dr. Cilmi ayaa la shirtagaya qorshaha Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya,
hannaanka Deyn cafinta, kor u qaadista dhaqaalaha Dalka, xoojinta ilaha
Dakhliga uu kasoo galo Dalka iyo qodobo kale sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen
ilo ku dhow Shirkaas.
Soomaaliya waxaa horyaalla shuruudaha la hordhigay si looga cafiyo deynta
ku waqti dheeraatay, qaar kamid ah shuruudahaas waa ay kasoo gudubtay halka
kuwa kale ay ku howlan tahay in ay ka gudubto caqabadahaas.
Wasiirka Maaliyadda Boqortooyada Sacuudiga oo shirkaan martigeliyay ayaa
daah-furka ka hadlaya muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo
wadashaqeynta Wasiirrada kala duwan ee kala metalaya waddamada xubnaha ka ah
Ururka Iskaashiga Islaamka.
0 Comments:
Post a Comment