GURIGA »
somalia
» Beesha caalamka ayaa ugu baaqday madaxda Soomaalida inay sii wadaan geeddi-socodka dowlad dhisidda
War saxaafadeed kasoo baxay wakiiladda beesha caalamka u jooga
Soomaaliya ayaa lagu oo dhaweeyay dadaallada ay wadaan madaxda Soomaaliya ee
lagu hormariyo arrimaha mudnaanta leh ee ku saabsan nabad-dhisidda iyo
dowlad-dhisidda, oo ay ku jiraan shirarka joogtada ah ee Golaha Wadatashiga
Qaranka.
Beesha caalamka ayaa si gaar ah u soo dhoweysay dadaalka soo cusboonaaday
ee diiradda lagu saarayo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, kheyraad
wadaagga iyo awood-qeybsiga federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, kuwaas oo
dhammaantood muhiim u ah xaqiijinta xasilloonida muddada fog ee Soomaaliya.
Qoraalka kasoo baxay wakiiladda beesha caalamka ayaa loogu baaqay dhammaan
daneeyeyaasha inay si wax ku ool ah uga qayb qaataan dadaalladan, oo wixii
khilaaf ah ee jirana lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi.
”Waxaa naga go’an inaan Soomaaliya ka taageerno sidii ay ku gaari lahayd
arrimaha hortabinta u leh dowlad dhisidda, oo aasaas u ah Soomaaliya loo dhan
yahay, barwaaqo ah oo nabad ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay beesha
caalamka.
0 Comments:
Post a Comment