GURIGA »
somalia
» Madaxweynaha Soomaaliya oo magaalada Baydhabo kula kulmay aqoonyahanno iyo culumaa’udiin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud oo Baydhabo kulan kula qaatay qaar ka mid ah culimaa’udiinka Koofur
Galbeed ayaa ka dalbaday in ay doorkooda ka qaataan dadaalada lagu xoojinayo
Nabadda, dib u heshiisiinta iyo wadajirka bulshada deegaanka.
Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey doorkooda wanaagsan ee fidinta
diinteenna suubban, wacyi gelinta iyo toosinta bulshada isaga oo ku adkeeyay in
ay kaalin muuqata ku yeeshaan halganka dib u xoreynta dalka gaar ahaan dabar
goynta fikirka gurracan ee Khawaarijta.
Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dib u
heshiisiinta, dowlad dhiska iyo la dagaallanka fikiraayay xagjirka ah, iyaga oo
bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday xoreynta, xasilinta dalka iyo
dowlad-wanaagga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culimada ka codsaday in ay sii
xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan kobcinta wacyiga bulshada, ayna hormuud u
noqdaan xaqiijinta Soomaaliya xor ah, xasillan isla markaana Barwaaqo ah.
0 Comments:
Post a Comment