GURIGA »
Siyaasada
» Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Safiirada Midowga Yurub ee Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee
Soomaaliya Marwo Tina Intelman iyo qaar ka mid ah Danjireyaasha dalalka Midowga
Yurub u jooga dalkeenna ayaa uga warbixiyey guulaha laga gaaray dagaalka dalka
looga xoreynayo Khawaarijtaa Alshabaab, dhammeystirka Dastuurka,
Dimuquraadiyeynta iyo Dayn cafinta.
Madaxweynaha oo Danjireyaasha la wadaagay sida geesinimada leh ee Ciidamada
Qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka
tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug ayaa tilmaamay
in halganka dib u xoreynta dalka uu barbar socdo qorshaha dhammeystirka
dhismaha hay’adaha muhiimka u ah dowladnimada iyo xaqiijinta himmilooyinka ay
muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qorshaha la
wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, dhammeystirka Dastuurka, dayn cafinta,
xoojinta Dimuquraadiyeynta, Federaaleynta iyo adkaynta dowladnimada.
Dhankooda, Safiirada oo bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku
dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya
ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh oo ay ugu horreeyaan la
wareegidda amniga guud ee dalka, xoojinta federaaleynta, daadejinta hannaanka
dowliga ah, saamaynta Isbaddalka cimmilada iyo Gargaarka Beni-aadannimada.
0 Comments:
Post a Comment