GURIGA »
somalia
» Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay saddex safiir oo cusub
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee
dalalka, Faransiiska, Netherlands iyo Slovakia ee loo soo magacaabay
Soomaaliya.
Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu kaga
guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Mudane Arnaud Suquet
Safiirka cusub ee dalka Faransiiska ee Soomaaliya, Mudane Maarten Brouwer
Danjiraha Cusub ee Boqortooyada Netherlands iyo Marwo Katarina Zuffa
Leligdonova oo ah Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Slovakia u fadhin doonta
dalkeenna.
Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorradaiyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan
adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka
Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada
hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka
Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay ahmiyadda ay leedahay in ay
xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga
gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.
0 Comments:
Post a Comment