GURIGA »
somalia
» Ciidamada dawlada somaliya oo la wareegay degmada ceeldheere
Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta
ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galeen degmada Ceeldheer
oo ka tirsan gobolkaasi kadib markii ay isaga baxeen xoogag Shabaab.
Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay si nabdoon kula wareegeen
degmadan oo ay muddo sanado ah ka talineysay kooxda.
Sidoo kale ciidamada ayaa haatan howlgallo miino baaris ah iyo kuwa lagu
sugayo amniga ka wada gudaha degmadaas iyo hareeraheeda.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo
qoraal soo saaray ayaa xaqiijiyay in Ceeldheer ay soo gashay gacanta
dowladda, isagoo boggaadiyay ciidamada sameeyay howlgalkaas oo isugu jiro
Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ay sii socon doonaan, isla-markaana
ujeedka u yahay in Galmudug oo dhan laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.
Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo
horjeedo iyo guluf dagaal laga dareemayaa qaybo kamid ah gobolka
Shalay ayey aheyd markii ciidamada huwanta ay la wareegeen gacan ku heynta
magaalo xeebeedka Xarardheere ee gobolka Mudug oo maalmo kahor ay isaga baxday
Al-Shabaab.
Arrintan ayaa muujineyso inay Al-Shabaab laga sii itaal roonaanayo,
isla-markaana lagu jebiyay howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay, Hiiraan,
Sh/Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.
Howlgallada dagaal ee ka dhanka ah koxoda Al-Shabaab ayaa haatan si weyn
ugu sii fidaya dalka oo dhan, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu
gaarsiiyay jab xoogan, isla-markaana looga qabsaday deegaano horleh oo sanado
badan ku jiray gacantooda.
0 Comments:
Post a Comment