GURIGA »
somalia
» Wasiirka Warfaafinta XFS oo isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyaddii Zoobe ee loo qaaday dalka Imaaraadka
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaalia, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta booqday
Isbitaalka Milateriga magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka
Carabta, halkaas oo lagu daweynayo qaar ka mid ah dhaawacyadii qaraxiiZoobe ee Muqdisho ka dhacay 29 bishii la soo dhaafey ee October.
Wasiirka oo ay wehliyeen ku simaha Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka
Isutagga Imaaraadka Carabta, Mudane Axmed Daahir Maxamed iyo mas’uuliyiin
kale ayaa warbixino ku saabsan xaaladda bukaannadaasi ka dhageystay
dhakhaatiirta isbitaalka Abu Dhabi Military Hospital.
Dhakhaatiirta ayaa wasiirka u sheegay in dhaawacyada ay si wanaagsan
daweyntu ugu socoto, isla markaana badankooda xaalkooda ka soo raynayo.
Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo xubin ka ah Guddiga Golaha
Wasiirada ee Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxa Zoobe, ayaa dhaawacyada
Ilaahay uga baryey inuu siiyo caafimaad buuxa, iyagoo bedqabana uu Ilaahay dib
ugu celiyo dalkoodii hooyo.
Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu uga mahadceliyay dhakhaatiirta, dowladdaiyo shacabka dalka Isutagga Imaaraadka Carabta sida ay u garab istaageen
walaalahooda Soomaaliyeed markii uu ku habsadey mashaqada ay geysteen
Khawaarijta argagixisada ah.
0 Comments:
Post a Comment