Sunday, October 30, 2022

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay qaraxyadii Soobe una diray digniin khawaarijta iyo ganacsatada

 

somalia


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale baaqii iyo digniinta u jeediyay ganacsatada, ganacsatada iyo ganacsatada Soomaaliyeed, kadib markii ay taageereen argagixisada, isla markaana aysan wax lacag ah siinin Xarakada Al Shabaab. 

Baaqa Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya, kadib markii Sabtidii shalay ay Magaalada Muqdisho ka dhaceen Qaraxyadii dhiigga badan ku daatay ee ay kooxaha argagaxisada ahi ka geysteen Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah, waxaana Madaxweynaha Somaliya uu tacsi u diray muwaadiniintii ay Shabaabku ku dileen Isgoyska Zubi ee Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay saqdii dhexe gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho, si uu ugu kuur galo baaxadda khasaarihii ka dhashay qaraxyadii Al-shabaab ay halkaas ka geysteen.

Sidhookale Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay saqdi dhexe gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho, si uu ugu kuur galo baaxadda khasaarihii ka dhashay qaraxyadii Al-shabaab ay halkaas ka geysteen.

Madaxweyne Xasan Sheikh  ayaa tilmaamay in weerarkan uu sababay dhimashada dad badan ku sugnaa goobtaas, wuxuuna ku tilmaamay  dhacdo naxdinta leh oo la diiwaan geliyey.

“Dadkeennaan la xasuuqay ee birmu geydada ah, waxaa ku jiray hooyooyin ilmahooda dhabta ku haysta, aabeyaal xaalad caafimaad u socday, arday waxbarasho loo soo diray, ganacsato la daalaa-dhacaysay nolosha qoysaskooda, macallimiin iyo dhakhaatiir u adeegayey dadkooda. Qofka intaas xasuuqay, maxay tahay qiilka uu u haysto, diinta uu daliishanayo iyo dadnimada uu sheegan karo," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray xukuumadda in gurmad deg deg ah ay u fidiso dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, qaarka xaaladoodu ay culustahayna loo diyaariyo gargaar caafimaad, si degdeg ahna ay ugu shaqeyso isku duburidka gurmadka shacabka ku waxyeeloobay qaraxyada argigixiso.

Madaxweynaha  ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyada, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska dadkii ku geeriyooday qaraxyada.

Sidoo kale, Madaxweyne Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay waxbarasho bilaash ah siineyso dhammaan ubadka Soomaaliyeed ee waalidiintooda ay ku dhinteen qaraxyadii shalay.  

Si kastaba ha ahaatee, in ka badan 100 qof ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen qaraxyadan, halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale dad badan ayaa lagu la'yahay nolol iyo geeri.

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog