GURIGA »
Soomaaliya
» Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh oo qoraal kasoo saaray dilka Jeneraal Farxaan Qaroole
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay geerida
taliyihii booliska gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan
Qaroole) oo maanta lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka
Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalabka
Sida uga tacsiyeeyay geerida ku timid taliye Farxaan Qaroole iyo askar ka
tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku shahiiday dagaalkii saaka ka
dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay sida ciidamada geesiyaasha ah ee Soomaaliyeed
ay uga go’an tahay in ay xoreeyaan dalka oo ay nolol karaamo leh ugu noolaan
lahaayeen dadkoodu ama in ay u shahiidaan iyagoo gudanaya waajibaadkaasi qaran.
Waxa uu sheegay in Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan, Alle ha u
naxariistee uu lahaa go’aan naf hurnimo, kaasi oo uu ku shaqeeyey maantana u
shahiiday.
“Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askartii kale ee la shahiidday
waxa ay waqtigoodii iyo naftoodooba u hureen sidii ay nabad ugu noolaan
lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya
looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.”
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu Jeneraal Qaroole iyo askartii
kale ee la shahiidday maanta Alle uga baryay naxariistiisa Jannatul Fardowsa,
qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna sabur iyo iimaan in uu ka siiyo.
0 Comments:
Post a Comment