GURIGA »
Soomaaliya
» Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir-gudoomiyay shirka amniga Soomaaliya ee New York
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarunta QM ku guddoomiyay Shirka Amniga
Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud, ayaa maanta oo Talaado ah shir-gudoomiyay shirka amniga Soomaaliya ee
ka socda xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, iyadoo shirkaas lagu
soo bandhigay muhiimadda uu amniga Soomaaliya u leeyahay gobolka.
Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen 26 dowladood, Qaramada Midoobay,
Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa Madaxweynaha waxa uu
ku soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay qorshayaashii dowladdiisa ee ku aaddan
dib u dhiska ciidanka iyo xoreynta deegaannada ay gacanta ku hayaan
argagixisada. , Ahmiyadda iskaashiga amniga ee heer qaarad iyo heer caalami, ka
bixitaanka ciidamada AMISOM, iyo xasiloonida siyaasadda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa yiri “ dhimista tirada ciidamada AMISOM ee hadda jirta
waxay cadeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha lagu xaqiijinayo
Soomaaliya oo xasiloon oo leh adeegyo amni oo awood u leh inay si buuxda u
qaataan mas’uuliyadda amniga dalka”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahadceliyey dalalka xubnaha ka ah Golaha
Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageeray in Soomaaliya laga qaado
cunaqabateynta hubka, haatanna ka taageeraya cafinta daymaha lagu leeyahay iyo
dhismaha ciidamada qalabka sida.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray: “Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka
taariikhiga ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka qaatay
cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u
soo hoyatay Soomaaliya, taasoo muujineysa horumarka ballaaran ee laga gaaray
habka loo maamulo hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankan uu noo
ogolaanaya in si buuxda loo qalabeeyo ciidamada Qaranka.
0 Comments:
Post a Comment