Saturday, June 17, 2023

Madaxweynaha XFS Xasan Sheekh oo ku wajahan dalka Mareykanka

MW Xasan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo dib doorashadiisii waqti xooggan galiyay safarro uu ku marayo waddamada daneeya arrrimaha Soomaaliya ayaa maalmaha soo aaddan u socdaali doona dalka Maraykanka.

Sida aan xog ku helnay Madaxweyne Xasan ayaa Maraykanka kaga qeyb gali doona shir madaxeedka Hoggaamiyeyaasha Dalalka Africa iyo Mareykanka (The U.S.-Africa Leaders’ Summit) kaas oo December 13-15, 2022 ka qabsoomi doona Washington.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan ku dhawaad ​​50 hoggaamiye iyo saraakiil sarsare oo ka socda dalalka Afrika ayaa diiradda lagu saari doonaa dhowr arrimood sida; xoojinta ballan-qaadka Maraykanka iyo Afrika ee dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha.

Yaraynta saamaynta COVID-19 iyo masiibooyinka mustaqbalka; kor u qaadidda sugnaanta cuntada; horumarinta nabadda iyo amniga; wax ka qabashada dhibaatada cimilada; iyo xoojinta xidhiirka qurbajoogta qaaradda Afrika ee ku dhaqan dalka Maraykanka.

Maraykanka waxaa shirka ku matali doona Madaxweyne Biden, Madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken iyo madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Waaxda Ganacsiga iyo saraakiil kale.

Shir madaxeedka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya saraakiil sare oo ka socda Rugta Ganacsiga ee Mareykanka, Warshadaha, NGO-yada iyo bulshada rayidka ah, sida laga soo xigtay saraakiil sare oo ka tirsan xarunta looga taliyo Maraykanka ee Aqalka Cad.

MW Xasan ayaa sanadkii 2014 Washington kaga qeyb galay shirkii 1-aad ee Hoggaamiye-yaasha Dalalka Africa iyo Mareykanka, waxaana xusid mudan inuu dhawaan New York kaga qeyb galay Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Joe Biden ayaa dhawaan 450-askari oo Maraykan ah dib ugu soo celiyay Soomaaliya, taasoo meesha ka saartay amarkii Donald Trump. Biden wuxuu Trump  ku raacay xadidaadda weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn goobha ka baxsan aagagga dagaalka.

Majaladda New York Times oo xiganeysa saraakiil Maraykan ah ayaa dhawaan daabacday warbixin ku aaddan in Maamulka Joe Biden uu ka fiirsanayo codsi uga yimid Soomaaliya oo ku aadanaa in Mareykanka meesha ka saaro xayiraadahaduqeymaha saaran.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale la filayaa inta uu ku sugan yahay Washington inuu kulamo doceed la qaato Madaxda Dowladda Maraykanka iyo kuwa waddamada Afrik.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog