GURIGA »
somalia
» Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddiyada dib u eegista Dastuurka
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo kulan la kala
qaatay guddiga la socodka dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo guddiga
madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka.
Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda
dhammeystirka dastuurka KMG uu u leeyahay xasilloonida iyo geeddi-socodka
dowlad dhiska Soomaaliya.
Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga
warbixiyey howlaha uga qabsoomay dib-u-eegista iyo latashiyada Dastuurka ay
wadaan ee ku qotoma in khubarada sharciga iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed
laga qeyb-geliyo.
Guddiyada ayaa Madaxweynaha ka balan qaaday inay si degdeg
ah u dhameystiri doonaan habraaca loogu gudbinaayo Labada Aqal ee
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay waajibaadkooda uga gutaan.
Madaxweynaha oo kulammadan uu ku wehlinayey Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisyadii Golaha
Wadatashiga Qaranku gaareen ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran
dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka.
Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa soo
bandhigay balanqaadyo ku saabsan sida Xukuumadda Soomaaliya ay u fududeynayso
wixii shaqo farsamo ah oo la xiriira dhameystirka dib u eegista dastuurka
dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabagabadii kulamadaan
wuxuu ku bogaadiyey xubnaha labada guddi howlaha u qabsoomay.
Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay dardar-gelinta qabyo-tirka
dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaan sidii
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran oo
dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed
0 Comments:
Post a Comment