GURIGA »
somalia
» RW XFS oo maanta booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho ah ugu ambabaxay dalka Masar
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi
Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw u ambo baxay magaalada Qaahira ee
caasinadda dalka Masar.
Xamse Barre ayaa dalka Masar ugu baxay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta
muddo saddex cisho ah, waxaana garoonka Aadan Cadde kasii sagootiyay wasiirro
katirsab xukuumada.
Mudane Xamse iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira,
wada hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee walaalaha ah waxa ay la yeelan
doonaan madaxda waddanka Masar.
Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa wada-hadallo la xiriira iskaashiga
labada dal ee Soomaaliya iyo Masar waxa uu la yeelan doonaa madaxda waddanka
Masar.
Arrimaha muhiimka ah ee uu kala hadlayo waxaa kamid ah dagaalka Al-Shabaab
oo ay haatan dowladda federaalka u raadineyso taageero caalami ah, si looga
adkaato.
Safarka ra’iisul wasaaraha waxa uu ku soo aaday, xilli xasaasi ah,
isla-markaana uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo
guullo waa weyn laga gaaray.
Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu booqan doonaa xarunta safaaradda
Soomaaliya ee magaalada Qaahira, isaga oo la kulmi doono jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Masar.
Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa ka dhexeya xiriir dheer oo soo jireen ah,
kaas oo ku qotoma dhanka waxbarashada iyo taageerada dhanka bani’aadanimada.
0 Comments:
Post a Comment