GURIGA »
somalia
» md Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Sharma Sheekh si ay
uga qeyb galaan shirka cimilada adduunka.
Madaxweynaha iyo khubarada cimilada ee la socota ayaa la filayaa in ay
madaxda caalamka uga warbixiyaan saameynta xoogga leh ee isbedelka cimiladu ay
ku yeelatay nolosha dadka Soomaaliyeed iyo qorshayaasha dowladda ee wax ka
qabashada abaaraha, fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhalan kara
isbedelka cimilada.
Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Siyaasi oo kulan la qaatay Madaxweyne Xasan
Sheekh oo barbar socday shir madaxeedka dalalka Carabta ee ka dhacay dalka
Aljeeriya, ayaa ballan qaaday inuu indhaha caalamka ku soo jeedin doono
saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya inta uu socdo shirka uu dalkiisa
martigelinayo.
Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xaley ka ambabaxay Muqdisho, waxayna
gaareen magaalada uu shirkaasi ka furmayo ee Sharma Sheekh, halkaas oo ay ku
soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Masar.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka
bii’ada iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada ayaa madaxweyne Xasan Sheekh safarkaan
ku wehliya.
Xaalada Soomaaliya ayaa meel wanaagsan mareysa intii uu xilka hayay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, horumarkuna waa mid cad oo joogto ah
0 Comments:
Post a Comment