GURIGA »
somalia
» Dowladda fedraalka Soomaaliya oo shaacisay in 21 ka mid ah dagaalamayaasha Shabaab lagu dilay Sh/hoose
War saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu
sheegay in ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya howlgalo
qorsheysan oo ay ka sameyeen deegaanka Galka Saalimoow oo ka tirsan gobolka
Shabeelaha hoose lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.
Howlagalka ciidanka NISA ay ka sameeyeen deegaanka Galka Saalimoow ayaa la
sheegay inuu yimid kadib markii ciidanka ay heleen xog la xariirta in
dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ay isku aruursanayeen deegaankaasi.
Warsaxafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in
howlgalka inta uu socday lagu dilay 21-xubnood oo mid ah dagaalamayaasha kooxda
Al-shabaab, laguna dhaawacay 10 kale, islamar ahaantaana howlgalka uu ahaa mid
sidii loo qorsheeyay u dhacay oo looga hortagay dhamaan qorshihii Al-shabaab u
maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.
Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in
afartii maalmood ee u dambeeysay Al-shabaab laga dilay ku dhawaad 200 oo ka mid
ah dagaalamayaashooda.
0 Comments:
Post a Comment